måndag 14 september 2020

Infobrev somaliska

 200910

Sida uu dugsigu samaynayo haddii la xaqiijiyo kiis ku saabsan cudurka covid-19.

Waa idin salaamaynaa!

Waxaanu annagu rabnaa in dadka waalidiinta/mas’uuliyiinta ah ee carruurtu u dhigato dugsiyada aasaasiga F-9 ee degmada aanu wargelino rootiinka aanu samayno haddii la xaqiijiyo in iskuulka laga helo kiis ku saabsan cudurka covid-19. Degmadu waxay raacaysa rootiinka ama nidaamka iyo tilmaamaha aanu ka helay Hey’adda caafimaadka dadweynaha iyo Xarunta xakamaynta cudurada faafa ee Gobolka Sörmland.

Waanu fahamsanahay inay dadku welwelayaan marka cudurka laga xaqiijiyo ee laga helo mid ka mid ah dugsiyadayada. Markaa aad ayey ugu badan tahay in dhowr kiis oo la xaqiijiyey laga helo dugsiyada aasaasiga inta dayrta lagu gudajiro, markaa waxaanu rabnaa in aanu caddayno rootiinada ama nidaamka aanu raacayno iyo macaluumaadka aad adigu naga filidoonto in aad annaga naga hesho iyo goorta aad naga heleyso

Marka hal ama dhowr qof la xaqiijiyo inuu ku dhacay cudurka covid-19 mid ka mid ah dugsiyada waxay markaa maamulka dugsiyadu la xiriiri doonaan Xarunta xakamaynta cudurada faafa ee gobolka. Markaa dadka ay Xarunta xakamaynta cudurada faafaa u arkaan inay u nugul yihiin cudurka waxay si toos ah u wargelinayaan dugsiga.

Dadka noocaas ah waxa lagu guubaabinayaa inay fiiro gaar ah yeeshaan oo ay guriga joogaan 14ka maalmood ee ugu soo horeeya haddii ay isku arkaan calaamadaha ugu yar ee cudurkan. Bogga 1177.se iyo bogga Folkhälsomyndigheten.se waxaad ka akhrisan kartaa calaamadaha aad fiirada gaarka ah u yeelanayso. Qofkasta oo astaamahaa isku arka waxa lagu dhiirigelinayaa inuu cudurka iska tijaabiyo/iska eego waxaana tijaabada laga dalbanayaa bogga 1177. Dadka hadda cudurka iska tijaabinkara waa dadka ay da’doodu tahay 16 sannnadood oo keliya. Gobolku wuxuu bilaabidoonaa inuu carruurta yaryar ka tijaabiyo/ka eego cudurka.

Wakhtigan xaadirka ah waxay Xarunta xakamaynta cudurada faafaa qiimaysay in aanu cudurku si baahsan ugu faafin meheradaha lagu dhigo dugsiyada aasaaska ah. Hey’adda caafimaadka dadweynuhu uma aragto inay jirto sabab loo xiro dugsiyada halmar laga helay cudurka iyada oo laga eegayo dhinaca xakamaynta ama faafida cudurka.

Haddii qiimayn cusub oo ku saabsan faafida cudurka laga sameeyo dugsiyada aasaaska ah ee degmada ku yaala waxaanu markaa raacidoonaa rootiinka ama

2/2

nidaamka iyo tilmaamaha khuseeya cudurka oo waxaanu kuu soo diridoonaa warbixin cusub maadaama aad tahay mas’uulkii ilmaha.

Haddii aad adigu qabto wax su’aalo ah ula xiriir maamulaha dugsiga sidii caadiga ahayd.

Vänliga hälsningar,

Anci Stierna, skolchef F-9 Nyköpings kommun

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar